Gudoomiyaha Xisbiga Shaqaalaha Xoogsatada Puntland oo Xaflad daahfur ah loogu qabtay Denmark (Khudbadiisii+Sawiro)

Xisbiga Shaqaalaha Xoogsatada ee Puntland ayaa Olole ka bilaabay Qurbaha, Gudoomiyaha Xisbiga Cabdirshiid Shiekh Maxamuud (Siyaasi) oo ayaa Xaflad loogu qabtay Caasimada labaad ee Denmark, Magaalada Aarhus.

Gudoomiyaha oo la hadlay Bulshada ayaa ka warbixiyay Xaalada Guud ee Dalka , Wuxuu kaloo Jaaliyada siiyay Warbixin ku saabsan Aasaaskii Xisbiga iyo waxyaabaha u qabsoomay ilaa hada..

GudoomiyIha Xisbigu wuxuu Denmark ka daahfuray Xisbiga wuxuuna Shacabka Reer Puntlnd ugu baaqay inay garab istaagaan Xisbiga Shaqaalaha oo ah Xisbiga kaliya ee si dhab ah u matalaya Danyarta iyo Xoogsatada.

Hoos ka daawo Khudbadii Gudoomiyaha iyo Sawiro