Maxaa sababay in aysan waxba kasoo bixin kulankii Sadex geesoodka ahaa ee Baydhabo?

Sidaan lansoconi waxaa Baydhabo ku kulmay Sadexda Madaxweyne ee Laftagareen,Qoorqoor iyo Waare, kulankaas wuxuu qorshuhu ahaa in lagasoo saaro warmurtiyeed.

Sida ay Xog ku heleen Howlwadeenada Puntlandi.com Warmurtiyeedka Shirkaas oo diyaar ah ayaa la galiyey in la baahiyo kadib Amar kasoobaxay Madaxweyne Farmaajo.

Beesha Caalamka oo ay u horeeyaan Maraykanka ayaa cadaadis xoogan saaray Madaxweyne Farmaajo, waxaana lagu cadaadiyey aan la aqbalayn ishiidjiid Siyaasadeed, iyadoo si toosa loogu sheegey inuu baahiyo waxyaabaha ka socda Baydhabo isla markaasna uu Muqdisho keeno Sadexda Madaxweyne.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu si toosa ugu sheegey sadexda Madaxweyne in ay si deg deg ah u joojiyaan Shirka Baydhabo isla markaasna aysan soo saari karin Warmurtiyeed.

Waxaa muuqata in Beesha Caalamku ay ogtahay cida abaabushay Shirka Baydhabo iyo ujeedka laga lahaa. Waana tan keentay in Madaxweyne Farmaajo uu talaabadaas qaado.

Puntlandi.com Muqdisho