Madaxweyne Deni Amaankiisa oo la adkeeyey kadib laba Qarax oo 4 maalin gudeheed lagu weeraray Villa Soomaaliya

Maqaaxi aan saas uga forsyn Villa Soomaaliya ayaa galabta lala beegsadey Qarax uu fuliyay Qof naftiis hanlige ah, Waxaa ku dhintay 4 Qof Sida loo xaqiijiyay Puntlandi.com Waxaana ku dhawacmay 6 Qof.

afar maalin ka hor ayaa Qarax hidkaldt la dhigay isna lagu qarxiyay meel aan ka fogayn Meesha maanta la weeraray.

Madaxweyne Deni oo nawaaxigaas degan ayaa amaankiisa aad loo adkeeyey, Sida aan xogta ku heyno Mid kamida Beelaha Muqdisho dega ayaa Ciidan dheeraada kusoo biiriyay Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Puntland ee gacanta ku haya Amaanka Madaxweynaha iyo Wafdigiisa.

Jamcada ayaa la filayaa inuu Muqdisho ka furmo Shirka wadatashiga Dowlada Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya.

Puntlandi,com Muqdisho