Maswirka maanta : – Madaxweyne Farmaajo oo sidii caadada aheyd Maraykanku su’aalo ku weydiiyeen saldhiga Xalane.

Wafdi ka socda Wasaarada Difaaca Maraykanka Saraakiil milatary oo ka tirsan Taliska Ciidamada USA ee Africa iyo Diblimaasiyiinta Safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa sidii dhaqanki ahaa maanta Madaxweyne Farmaajo ugu yeeray inuu yimaado Xarunta fadhiga u ah Beesha Caalamka ee saldhiga Xalane.

Kulankaas oo ahaa mid kaliya Madaxweynaha loogu yeeray ayaa u badnaa mid Madaxweynaha lagu weydiinaayey su’aalo ku saabsan doorashooyinka Dalka ku soo fool leh iyo su’aalo la xiriira amaanka Dalka iyo la dagaalanka argagisada.

Kulankaas waxaa laga reebay dhamaan lataliyaasha Madaxweynaha iyo hawlwadeenada Villa Somaliya.