Tigreey oo Heegan galisay Ciidamada iyo Doorashadii oo bilaabatay

Sida Sharciga Itoobiya dhigayo Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada iyo Dowlada Dhexe waxay dhacdaa isku wakhti,Maadaama Raysal wasaare Abiy Ahmed uu dib u dhigay Doorashadii Dowlada Dhexe, waxaa iyana dib u dhacaya si ootamatik ah Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada.

Laakiin Dowlad Goboleedka Tigreega oo iyagu si xoogan ugasoo horjeedey Qorshaha uu Raysal wasaaruhu Wakhtiga ku dheeraystay ayaa ku gacan sayray in Doorashadiida dib loo dhigo, Abiye Axmed isna wuxuu ku hanjabay in uu soo weerarayo hadii Doorashada ay bilaabaan.

Adis Ababa-09.09’2020- Pi— Maanta waxaa si rasmiga u bilowdey Doorashada Maamulka Tigreeya ee Dalka Itoobiya, xili Xukuumada Dhexe ay ku hanjabtay in aan Doorashadaan la qaban Karin.

Maalmihii lasoo dhaafay Adis Ababa iyo Mekelle(Caasimada Tigreey) waxay Hawada isu marinayeen hadalo kulkulul oo ay ka mid ahaayeen CAR QABTA DOORASHADA IYO WAAN QABANAYNAA OO CIDNA UMA JOOJINAYNO,

Maanta waxaa si rasmi ah u bilowdey Doorashadii ilaa hadana jawaab kama aysan bixin Xukuumada Dhexe.

Guud ahaan Itoobiya waxaa maanta indhaha lagu hayaa Doorashada Tigreey-ga iyo Adis ababa, waxaa jirta cabsi laga qabo in ay Xukuumadu ku talaabsato talaabo Ciidan oo ka dhan ah Deegaanka Tigreey.

Dowlad Goboleedka Tigreey waa Awooda ugu weyn Itoobiya, Labaatankii sano ee u dambaysay Dalka iyagaa xukumayay, Deegaanadooda waxaa ku yaal Xeebaha Ciidamada ugu waaweyn Itoobiya, Hubka ugu Culumada Gobolkaas ayuu yaal.

Waxaa la sheegaa in Awooda Ciidamada Itoobiya ay 45% ay taal Deegaanka Tigreey.

Wixii kasoo kordha Xiisada Itoobiya kala soco Puntlandi.com