Qoorqoor iyo Laftagareen madaxay Ciida ka ceshanayaan

Afar maalin ka hor ayaa Beesha Caalamku ay cadaadis Saareen Madaxweyne Farmaajo si uu ugu yeero Madaxweynayaasha ka maqan Shirka Muqdisho iney Muqdisho yimaadaan.

Beesha Caalamku kulamo ay la qaateen Madaxweyne Deni, Madaxweynihii hore Xasan Sheikh iyo Siyaasi Cabdiraxmaa Cabdishakuur kadib Waxay Madaxweyne Farmaajo u sheegeen in Shirka Muqdisho uu muhiim yahay sidaas awgeedna uu Magacaabo Raysal wasaare ama ay Shirka Muqdisho ay kasoo qayb galaan Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada.

Sida aan warka ku hayno Madaxweyne Farmaajo inuu Raysalvwasaare somagacaabo wuxuu ka doortay inuu qoorta soo qabto Qoorqoor iyo Laftagareen si ay u yimaadaan Shirka lagu balansan yahay ee Muqdisho.

Qoorqoor iyo Laftagareen waxay Imaatinka Nuqdisho u dareemeen in Bulshadu u aragto rag Farmaajo farta ugu yeero taas badalkeeda waxay istuseen iney iska dhigaan Rag miisaan Siyaasadeed leh oo go’aan gaari kara, WXayna Baydhabo u tageen Raad gadasho Siyaasadeed iyo in la yiraahdo ragii Shirkaa Baydhabo uga socda.

Waxaa xaqiiq ah in labadaan Masuul looga taliyi Villa Soomaaliy waxaa taas kuu cadeynaya Sidii uu Farmaajo uga adeegtey Shirkii Dhuusamareeb.

Kulankooda Baydhabo kadib waxay si toosa u imaanayaan Muqdisho, waxayna sharuud la’aan ka qayb galayaan Shirka,

W/Q Siyaasi Soomaaliyeed