Madaxweyne Deni oo Hoyga uu degan yahay ka wada kulamo Siyaasadeed

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu noqdey Shaqsiga ugu saameynta badan Siyaasada Soomaaliya, Maalmihii lasoo dhaafay waxaa saf loogu jiraa Meesha uu ka degan yahay Muqdisho.

Kulankiisii u dambeeyey wuxuu Xalay la qaatay Gudoomiye Xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Mowliid Xeen Guhaad, Waxaa ka horeeyey ugu yaraan 20 Kulan oo uu la qaatay Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Ururada Bulshada.

Dhamaan Kulamadaas uu Madaxweyne Saciid Deni kawada Muqdisho waxay ku saabsan yihiin Talo balaarsi ku aadan Mustaqbalka Dalka iyo sidii laga yeeli lahaa Doorashada inaku soo fool leh.

Muqdisho waxaana furmi lahaa Shir wadatashi ah kasoo lagu waydey inuu furmo todobaadkii hore balse waxaa ishortaagay Madaxweyne Deni oo soo jeediyey in Shirka labalaariyo loona yeero Madaxweynayaasha maqan, Halka Madaxweyne Farmaajo uu ku dhiganaa in Shirku noqdo Sadex geesood Farmaajo -Deni-Axmed Madoobe ah.

Laakiin soo jeedintii Deni waxaa taageeray Beesha Caalamka oo Madaxweyne Farmaajo ku cadaadiyey inuu miiska Wadahadalka keeno Raga maqan,tasoo uu aakhirkii aqbalay.

Waxaa hada lasugayaa in Shirka Wadatashiga uu furmo maalmaha Soo socda, Ayna dhamaan kasoo qayb galaan Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadu.

Puntlandi.com Muqdisho