Madaxweyne Farmaajo oo mar kale la kulmaya Madaxweyne Deni

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta wuxuu Xafiiskiisa kula kulmayaa Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Waxaa Macquul ah in Madaxweyne Axmed Madoobe uu isna qayb ka ahaan doono kulanka ,

Kulankaan ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Deni uu Dalbadey in Madaxweynuhu uu ka warbixiyo meesha wax u marayaan , Cusumaaduu u diray Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed .

Kulankii u dambeeyey ee Jamcadii dhex maray Sadexdaan Masuul ayaa la isla gartay in Madaxweyne Farmaajo uu u yeero Madaxweynayaasha maqan si loo bilaabo Wadahadalka Arimaha Doorashada.

Kulanka maanta dhexmari doona Farmaajo iyo Deni wuxuu dhacayaa Galabta ama fiidkii caawa.

Puntlandi.com Muqdisho