Daawo : – Senator Muuse Suudi oo sheegay in heshiis Hawiye ka maqan yahay uu Muqdisho ka socodo.

Mudane Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee Federaalka Somaaliya oo ka hadalaayey kulan maanta dhexmaray Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Gudoonka iyo Gudiga joogtsda ah ee Aqalka Sare ayaa sheegay in magaalada Muqdisho uu ka socdo wadahadal iyo Heshiis ay ka maqan yihiin Beesha Hawiye.

Mudane Muse Suudi ayaa masuuliyada xumada ka iman karta dheeliga siyaasadeed ee Dalka ka jira dusha u saaray Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somaaliyeed Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mudane Muse ayaa sidoo kale ku eedeyey Madaxweyne Farmaajo in aanu Dalkan wanaag ka rabin, Gobolada kale ee wadankana aanu wanaag ka rabin.

Halkan ka dhageyso hadal-jeedintii Mudane Muse Suudi Yalaxow