Daawo : – Somaliland oo u diiday in Ugaaska Beesha Gudobuursi soo galo Boorame iyo Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay falkaas.

Rabashado iyo iska horimaado sababay dhimasho iyo dhawaac ayaa magaalada Boorame maanta ku dhexmaray Shacbiga Reer Awdal iyo Ciidamada Maamulka Muse Biixi ee Hargeisa.

Banaanbaxyada iyo gadoodka Shacbiga Reer Awdal ayaa ka dhashay kadib markii maamulka Muse Biixi oo ka horjoogsaday Ugaaska Guud ee Beelaha Gudurbuursi Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi in uu soo galo magaalada Boorame ee caasimada Gobolka Awdal.

Talaabadan uu maamulka Hargeisa qaaday ayaa salka ku haysa khilaafka Saami qaybsiga ee Beesha Samaroon ka cabaneysay mudada dheer.

Halkan ka daawo iska horimaadka dhexmaray Shacbiga Reer Boorame iyo Ciidanka maamulka Muse Biixi.