Prof Faisal Roble : – Fariinta Amb.Yamamato wax saameyn ah kuma yeelan karto Puntland iyo Jubbaland.

Fasiraad Fariinta Amb. Yamamoto

Waxa dad badani wax weyn ka dhigeen fariinta deelqaafka ah ee ka soo yeedhay Amb. Yamamoto.

Maxay saamayn ku yeelan kartaa PL&JL?

Wax weyn kuma yeelan doonto sababahan awgood:

  1. Xidhidhii micno le Safaaradu lama laha PL&JL.
  2. Hawlgalka ugu badan ee D/Mareykanku ka wado Soomaaliya waa rushaynta Alshabaab dhinaca cirka. Taasina wey soo afjareen. Saamayn badan kuma laha nolosha D/Goboleedyada.
  3. Lacagaha Mareyknaku bixiyaan AMISOM iyo VillaSom ma soo dhaafaan.
  4. Mashaariic horumarin iyo maal gelin wax kubool ah Mareykanku kama wado PL& JL.
  5. Dawladan Mareykanka ee hada xilka haysaa waa “lame duck” ama gabobabo oo 70 beri ayaa u hadhay, xiligeediina wuu sii dhamaanayo. Dhinaca kale, markaana siyaasad qorshaysan oo Afrika ku aadan ilaa hada ma laha.

Intaasi oo dhan waxa ka muhiimsan PL&JL VillSom. laga ma dhisin wax badana kuma soo kordhin karaan. PL xidida adag ayey leedahay waa hadii dadkeedu israacaan. JL marka horeba looma tudhin.

Talo aanay labadan gobol wax ku darsan meel ma gaadho karti.

Waxa iyana in laga war sugo u baahaan waxa ka soo yeedhi doona xisbiyada iyo saamalyda siyaasadeed ee fadhigoodu yahay Muqdishu.

Baln aan fiirino.