Breaking News— Xoghayihii Xafiiska Raysal wasaare Xasan Cali Kheyre oo Xabsiga la dhigay iyo Gaarigiisii oo lala wareegay Gudaha Villa Soomaaliya

Yaxye Cali Hareeri oo ahaa Agaasimihii Xafiiska Raysal wasaare Xasan Cali Khayre Oo horay Xilka looga qaadey ayaa hadda si qasab ah looga dejiyay gaarigiisa aan xabado Karin (bulet proof-ka ah) gudaha madaxtooyada waxaana gaariga la wareegay ciidamada ilaalada Villa Soomaaliya.

Warar rasmi ah oo aan helnay waxay sheegayaan in Yaxye Xabsiga la dhigay lamana oga sababta loo xiray., Darawalkiisii iyo laba ilaaladiisa ah ayaa iyana lala xiray, waxayna dhamaantood ku xiran yihiin Gudaha Villa Soomaaliya.

Agaasimaha hore ee Xabsiga la dhigay wuxuu la hayb ahaa Raysal wasaare Xasan Cali Kheyre.

puntlandi.com Garowe