Ururada bulshada rayidka ah oo ka horyimid magacaabista Xukumadii dhacday ee guddiga adeega garsoorka ?.

Isutaga ururada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya ayaa ka horyimid magacaabistii guddiga golaha adeegga garsoorka Soomaaliya ee khamiistii ay Magacaabeen Golaha Wasiirada dowladda dhexe ee Soomaaliya ee horay kalsoonida lagala laabtay.

War-saxaafadeed ka soo baxay Isu-tagga Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, ayaa lagu sheegay in Golaha Xukuumaddii dhacday aysan awood u lahayn, in ay magacaabid sameeyaan ,islamarkaana wixii ay magacaaban uu sharci-darro yahay, maadaama iyaga laftoodu aysan sharciyad haysan, balse ay xilka ku simayaan Xukuumadda dhalan doonta.

Isutaga ururada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya ayaa  sidoo kale sharci-darro ku tilmaamay Golaha Adeega Garsoorka iyo hay’adda Batroolka Soomaaliya, oo ay maalmo ka hor magacaabeen Golaha Xukuumaddii laga qaaday kalsoonida ee xilka weli sii haya.