Baarlamaanka oo qorshaynaya inay Wakhtiga dheeraystaan

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Mohamed Mursal Sheikh Abdurahman ayaa wada Qorshe Baarlamaanka loogu kordhinayo Sanad iyo Sideed bilood(20 bilood), Qorshahaan oo qayb ka ahaa Kui lagu riday Xukuumada.

Warar rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heshay ayaa sheegaya in bartamaha bishaan intaan la gaarin uu Baarlamaanku u Codeynaya doono mudo kororsiga, waxaa xigi doona magacaabida Raysal wasaaraha oo isna la doonayo inuu helo mudo kordhin.

Cidqaadista ay Xildhibaanadu ku kororsanayaan Wakhtiga ayaa la qorshaynayaa inay u dhacdo qaabkii Raysal wasaaraha loogu codeeyay Todobaadkii hore.

Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanku waxay kaloo heshiis ku yihiin in la burburiyo gabi ahaanba Shirka Dhuusamareeb, si loo xoojiyo mudo kordhinta.

Puntlandi.com Garowe