Gudoomiyihii Baledweyne oo shaqada laga eryay

Maamulka Hirshabelle ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomihii isla markaasna ahayd Duqa Degmada BaledWeyne Safiya Xasan Cali Jimcaale iyadoo Lagu eedeeyay shaqo la’aan.

Shaqa ka qaadista ayaa lagu macneeyey in ay dib u dhac ku yimid howlihii shaqo ee Magaalada Baledweyne si isbdal loogu sameeyo waxaa Isbadal deg deg ah lagu sameeyey Maamulka sare ee Degmda.

Gudoomiha Xilka laga qaadey wali kama aysan hadlin Xilka qaadista lagu sameeyey iyo eedeyntaan loosoo jeedoyeyba.

Puntlandi.com Garowe