Dowlad Goboleedyada oo logu baaqay inay ka hortagaan Lacag Bank Afrika Ugu deeqay Soomaaliya oo lagu hagaajinayo Dowlada Federaalka

Aduun gaaraya 25 Milyan oo Dollar ayaa Banks Afrika ugu deeqay Soomaaliya si loo xakameeyo Cudurka Covid19, Lacagtaasoo u u gacan galaysa Villa Soomaaliya.

Xiisada Siyaasadeed ee hada Dalka ka tagen iyo Xiliga kala guurka waxay keeni kartaa in lacagtaas si qaldan loo isticmaalo oo Aysan gaarin Shacabka Soomaaliyeed, Waxaa Sidaas aaminsan Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo Xilil waaweyn kasoo qabtay Dalka.

Sidaas awgeed Waxaa logu baaqay In iyagoo kaashanaya Qaramada Midoobry ay Maamul Goboleedyadu ay ka hortagaan in Dhaqaalahaas u u gacan galo Villa Soomaaliya.

Siyaasi caan ah oo codsadey in Magaciisa aan la sheegin ayaa yiri sidaan “ African Development Bank wuxuu hada ansixiyey Lacag gaaraysa USD 25 milyan, lacagtaasoo loogu tala galay la tacaalida Covid19, Waxaa hubaal ah oo xaqiiqa ah in lacagtaas haday ugalant gasho Farmaajo iyo Mahdi in inta badan dad gaara ay jeebka ku shubanayaan, qaarna loo isticmaalayo Xiisada Siyaasadeed ee hada taagan, Waxaa lagudboon Dowlad Goboleedyada iyagoo kaashana Xafiiska Qaramada Midoobay, Safaarada Maraykanka iyo Raysal wasaarihii xilka laga qaadey in laga hortago in lacagtaas ay gacanta Villa Soomaaliya gasho, waa muhiin codsiga Maamul Goboleeduada, waayo iyagaa Shacabka masuul ka ah maanta, Beesha Caalamkuna waa la socdaan Xaqiiqda maanta taagan”

Puntlandi.com Nairobi