Xasan Sheikh kulan Deg deg ah la qaatay Xildhibaanada ay isku Xisbiga yihiin

Madaxweynihii hore isla markaasna hada ah Hogaamiyaha Xisbiga Nabada iyo Horumarka Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Xalay wuxuu kulan deg deg ah uu la qaatay Xildhibaano ay isku Xisbiga yihiin ee ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya .

Kulanka waxaa la iska xigwaraystay Waxyaabihii Baarlamaanka ka dhacay Sabtidii. Xaalada Dalku ku socdo iyo Amaanka.

Qoraal kasoo baxay kulanku markuu dhamaadey ayaa lagu sharaxay waxyaabaha laga wada hadlay iyo waxyaabaha la isla gartay.

In laga shaqeeyo Midnimada Dalka iyo sidii horay loogu socon lahaa Wakhtigaan kala guurka ah ayaa kamid ahaa waxyaabihii Qoraalka lagu sheegay.

Kulankaan ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Farmaajo lagu gudo iyo dibadba laguceedeeyey inuu burburinayo Heshiiskii Dhuusamareeb uuna wadada u xaaranayo Mudo kororsi khasab ah.

Puntlandi.com Muqdisho