Breaking— Madaxweyne Qoorqoor oo Muqdisho ka degay

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa soo gaabiyey Safarkiisii uu ku marayay qaybo ka tirsan Gobolka Galgaduud wuxuuna saaka kasoo degay Magaalada Muqdisho oo Xiisad Siyaasadeed ay ka jorto.

Safarka Madaxweyne Qoorqoor ee Muqdisho ayaa la xiriira Xilka qaadistii lagu sameeyey Raysal wasaare Kheyre mase cada sababta rasmiga ah ee Madaxweynuhu uu Muqdisho u yimid.

Madaxweyne Deni ayaa Xalay Warsaxaafadeed uu qabtay wuxuu eedeyn dusha uga tuuray Madaxweyne Farmaajo oo uu ku eedeeyey Inuu ka dambeeyey wixii Baarlamaanka ka dhacay Sabtidii, wuxuu kaloo ku eedeeyey Dastuur jabin iyo Burburin shirkii Dhuusamareeb.

Puntlandi.com Dhuusamareeb