Breaking News-Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo TLF kaga wada hadlay Wixii ka dhacay Baarlamaanka iyo iscasilaadii Kheyre

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Dhigiisa Galmudug ayaa saaka oo Axada waxay khadka teleefoonka kula hadleen Madaxweynayaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeele waxayna kawada tashadeen Xaaladaha Siyaasadeed ee kasoo cusboonaadey Muqdisho Shalay iyo Xalay.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan In Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyadu ay ka xumaadeen wixii shalay ka dhacay Golaha Shacabka, Waxayna ku tilmaameen Dastuurka oo si ulakac ah loo jabiyey.

Wararka kale ee Puntlandi.com helay waxay sheegayaan in Dowladaha Xubnaha ka ah ay ka hadlayaan Qoraalka ay kasoo saarayaan Xaalada Dalka.

Puntlandi.com Gaalkacyo