Mohamed Baldho : Shalay wixii ka dhacay xarunta Golaha Shacabka waxay ahayd Sharci Daradii Qarniga

Qore Mohamed Baldho : Sharci Darradii Qarniga

Shalay wixii ka dhacay xarunta Golaha Shacabka waxay ahayd sharci darro cad oo aan geed loogu soo gaban. Waxaa la jabiyey dastuurkii dalka iyo xeer hoosaadkii Baarlamaanka. Ra’iisal Wasaarihii dalka ayaa lagu riday si aad u fudud oo mustaqbalka danbe dhib weyn u keeni doonta dowladnimada dalka. Ma ahan wax si fudud loo qaadan karo.

Dhaqdhaqaaqa ololaha xil ka xayuubinta iyo diyaarinta mowshinkii xilka qaadistu wuxuu qaatay wax ka yara 12 saacadood. Doodda xilka qaadista, cod u qaadidda oo gacantaag ahayd, tirinta cododka iyo ugu danbayntii ku dhawaaqidda natiijada codku waxay qaadatay wax ka yara 49 ilbiriqsi. Daawo muuqaalka hoose.👇

RW Khayre, khudbaddiisa oo iyana hoos👇ku lifaaqan, wuxuu ku dadafeeyey hannaankii xilka qaadistiisa wuxuuna muran geliyey sharcinimadeeda, wuxuuse sheegay inuu iska casilay xilkii RW asaga oo dalka iyo dadka u turaya.

Khayre wuxuu gurtay mirihii ka dhashay sharci darro uu 3 sano iyo 6 bilood qayb ka soo ahaa. Waa tii uu ku riday gudoomiyihii Baarlamaanka, dhawr madaxii dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federalka, xilkana uga qaaday si karaamo darro ah qeyb ka mida Wasiiradiisa. Waa tii uu ku hor istaagay oo raali uga noqday curyaaminta hannaankii federalka iyo geedi socodkii dowlad dhiska dalka.

Maxaa xilligaan ku soo aadiyey xil ka qaadistiisa?

RW Khayre wuxuu noqday dawada iyo xalka waqti korirsiga Madaxweyne Farmaajo. Waxay Farmaajo ula ekaatay waxa kaliya ee uu ku kala jabin karo mucaaridka Mogadishu inay tahay madaxa Khayre.

Sidoo kale, Khayre wuxuu dulmane u noqday eedihii Farmaajo falay. si uu xal ula gaaro dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federalka oo awooddii dalka iyo qabashada dooorasho dhacda iyagu furayaasheedii haysta, ayuu khayre uga dhigtay nayshii lagu Alle baryey.

Dhanka kale, waxaa la oran karaa in Farmaajo uu ku jiro abaabul uu uga hortagayo wixii Dhusamareeb ka soo baxay uuna doonayo inuu halkaa ku bakhtiiyo ama asaga oo kaarar cusub wataa uu madashii looga adkaatay ku laabto. Wuxuu isku dayayaa inuu gorgortan tanaasul u badan miiska wadahadalka la tago.

Su’aasha muhiimka ah waxay tahay, madaxda dowlad goboleedyada ma laga heli doonaa mid istaaga oo gaashaanka u daruura sharci darradii dalka ka dhacday, berina ku dhici karta qof kasta oo RW noqda, mise maamul walba maslaxaaddiisa gaarka ah ayuu eegan doonaa?