Xoghayihii Joogta ee Xafiiska Raisal Wasaaraha Yaxye Cali Hereri ( Murursade ) ayaa caawa lagu bedelay Cabdirisaaq Xuseen Aden oo ah ( Mareexaan)

Waxaa socoda isbedelo xawaare ku socda oo looga takhalusayo taageerayaashii iyo qaraabadii Raisal Wasaare Xasan Cali Kheyre kuwaas oo boosaskooda lagu gufeynaayo ama loo magacaabayo shakhsiyaad qaraabo dhaw la ah Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somaaliyeed Mudane Maxamed Cabdullaahi.

Wareegto ka soo baxday caawa xafiiska ku simaha Raisal Wasaaraha Dalka Mahad Guleed ayaa xilkii looga ceyriyey Xoghayhii joogtada ahaa ee xafiiska Raisal Wasaaraha Mudane Yaxye Cali Hereri kaas oo ka soo jeeday Qoyska Raisal Wasaare Kheyre ee Murursade, waxaana xilkaas loo magacaabay mudane Cabdirisaaq Xuseen Aden oo qaraabo dhow la ah Madaxweyne Farmaajo ee Mareexaan.

Magacaabista loo magacaabay mudane Cabdirisaaq Xuseen xilka Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Raisal Wasaaraha ayaa muujineysa in taageerayaasha Madaxweynuhu si toos ah ula wareegeen awoodii iyo xafiiskii Raisal Wasaaraha, halka ku simaha Raisal Wasaaruhu u muuqdo shakhsi Maqaar saar ah.

Halkan ka akhriso Wareegtada xilka loogu magacaabay Mudane Cabdirisaaq Xuseen Aden