Af-Soomaali… Akhriso Qoraalkii Maraykanka Kadib falkii Maanta ee Baarlamaanka “Talaabo Ayaan ka qaadeynaa Qaswadayaasha”

Qoraal ay Safaarada Maraykanku uga hadashay xil ka qaadistii lagu sameeyey Raysal Wasaare Khayre ayay si caro ka muuqato ugu eedeeyeen Madaxweynaha in uu ku luglahaa wixii ka dhacay maanta Baarlamaanka.

Qoraalka ayaa ku bilowday sidaan…

“ Safaaradda Mareykanka waxay ka qoomameyneysaa ficiladii Madaxweynaha iyo Aqalka Hoose ee baarlamaanka ay meesha uga saaraan Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Xukuuadiisii, taasoo sii kordhinaysa xiisada siyaasadeed isla markaana wiiqeysa hanaankii wadahadalka iyo wadahadaladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladaha xubinta ka ah Federaalka iyo daneeyayaasha kale ee muhiimka u ah Soomaaliya, Hannaankaan aan joogtada aheyn waa dib u dhac ku yimid ajandaha dib u habeynta ee ay Soomaaliya ku dooneysay taageerada Mareykanka. Deganaanshaha Soomaaliya, xasilloonida iyo horumarka, taaas waxaa lagu dhisi karaa oo keliya iskaashi iyo isu tanaasulidda hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, haddii shaqsi ama hay’ad kaliya at isku dayaan inay xukumaan kuwa kale, waxay dhaawaceysaa xasilloonida umadda oo dhan. “

“ The U.S. Embassy regrets the actions of the President and Lower House of Parliament to withdraw confidence in Prime Minister Ali Hassan Khayre and his government, which heightened political tensions and undermined the ongoing process of dialogue and negotiation between the Federal Government of Somalia, Federal Member States, and other key stakeholders.  This irregular process is a setback for the reform agenda Somalia has pursued with the support of the United States.  Somalia’s stability, security, and prosperity can only be built through cooperation, coordination, and compromise among Somalia’s leaders; if any individual or institution seeks to dominate the others, it undermines the stability of the entire nation. “

Qoraalka oo xanaaq ka muuqdo wuxuu si toosa ugu socdaa Madaxweybe Farmaajo iyo Gudoonka Baarlamaanka oo lagu tilmaamey Qaswadayaal.

Qoraalka Safaarada Maraykanka oo sii socda Waxaa kamida sidaan hoose

“ Safaaradda Mareykanka waxay ugu baaqeysaa dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan danaha Shacabka iyo Dalka halka ay ka raadinayaan danaha shaqsiyadooda, waa inay si wada jir ah uga wada shaqeeyaan dhisidda is-afgarad ballaaran. Waxaan ka qaadi doonnaa tallaabooyin ka dhan ah kuwa Qaswadayaasha ag ee doonaya in ay carqaladeeyaan horumarka Soomaaliya ee ku wajahan xasilloonida, nabadda, maamul loo dhan yahay, iyo barwaaqo. Ma doonayno in Soomaaliya ay ku socoto jiho qaldan. Mareykanka waxay kula shaqaynayaan si adag oo aamin ah Shacabka Soomaaliyeed iyo Hogaamiyayaasha ka hormarinaya dantooda tan umada”

“ The U.S. Embassy calls on all Somali leaders, institutions, and stakeholders to pursue the best interests of their country rather than pursuing their individual interests, to work together constructively to build broad consensus.  We will take measures against spoilers who seek to undermine Somalia’s progress towards stability, peace, inclusive governance, and prosperity.  We do not want Somalia to go in the wrong direction.  The United States remains a strong and devoted partner to the Somali people and those leaders who continue to but the best interests of Somali people first. “

Waxaa kaloo kamid ah Qoraalka sidaan hoose…

“Mareykanka wuxuu ugu yeerayaa dhammaan saamileeyda Siyaadada Soomasliya inay si iskaashi ah u wada shaqeeyaan ayna raadiyaan tanaasul si loo yareeyo halista qalalaasaha dastuuriga ah. Dowladda Mareykanka waxay ku boorineysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladaha xubinta ka ah federaalka, baarlamaanka, iyo dhinacyada kale in ay sii wadaan wada shaqeynta si loo meel mariyo heshiiskii lagu gaaray Dhuusamareeb.”


United States calls on all stakeholders to act cooperatively and seek compromise to mitigate the risk of a constitutional crisis.  The United States urges the Federal Government of Somalia, Federal Member States, Parliament, and other parties to continue to work together to implement the agreement reached in Dhusamareb.

Qaybaha kale ee Beesha Caalamka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa iyana la filayaa inay ka hadlaan Xil ka qaadistii Raysal wasaaraha.


Waxaa turjumay Howlwadeenada Puntlandi.com