Mahdi oo Madaxweyne Farmaajo u mahadceliyey

Raysal wasaare Xigeenka Dowlada Federaalka Mahdi Maxamed Guuleed oo Qoraal kooban soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayaa si wayn ugu mahadceliyey Madaxweyne Farmaajo magacaabida uu u magacaabay inuu noqdo ku sumaya Raysal wasaaraha Soomaaliya.

Mahdi wuxuu yiri “Sharaf ayey ii tahay in uu maanta ii magacaabo Ku-simaha Raiisul Wasaaraha , Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,. Waxaan si dabacsan oo hufnaan leh , aqoon-yahannimo ah ugu adeegi doona danta guud ee Soomaaliya. Waxaan sii wadi doonnaa horumarka inagoo ka wada shaqeyneyna mustaqbal wanaagsan “.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Mahdi u magacaabay ku sumaya Raysal wasaaraha ka dib markii uu maanta Gudoomiyaha Baarlamaanku shaaciyey in Raysal wasaare Kheyre Ay Baarlamaanku Xilkii ka qaadeen, Isla markaasna uu Madaxweyne Farmaajo aqbalay Xilka qaadista Raysal wasaaraha.

Raysal wasaare Kheyre wali ma aqbali Xilka qaadista la sheegay in lagu sameeyey.

waakan Twitterkii Mahdi Guuleed