Breaking News — Raysal wasaare Xigeen Mahdi oo loo magacaabey Raysal wasaaraha Kumeelgaarka ah

Madaxweyne Farmaajo ayaa Magacaabay Raysal wasaaraha kumeel Gaarka ah, Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada ayaa ku bilowday sidaan.

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto Madaxweyne ugu igmaday Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sii socodsiinta iyo maareynta howlaha Golaha Xukuumadda si kumeel gaar ah.

Raysal wasaaraha la sheegay in Xilka laga qaadey ayaa goor dhow wuxuu la hadlayaa Saxaafada.

Puntlandi.com Garowe