Daawo sidii Raisal Wasaare Abdiweli Yuulka oo ay weheliyaan Siyaasiyiinta Mudulood ay ula hadali jireen M/weyne Xasan Sheekh wakhtigii doorashada

Sida ka muuqta Clip-kan yar waxaa laga dheehan sidii qalafsaneyd ee Mucaaradkii uu hogaaminaayey Raisal Wasaare Cabdiwali Sheekh Maxamuud ( Yuulka ) oo ay weheliyaan, isla markaana ay garab taagan yihiin siyaasiyiinta Mudulood sida Safiir Maxamed Cali Americo iyo Salaad Cali Jeele ay u weerari jireen wakhtigii doorasha Madaxweynihii Federaalka Somaaliyeed Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Nasiib daro Regiimka Farmaajo iyo Taagerayaashiisa Qabiil iyo kuwa Calooshooda u shaqeystayaasha ah ee Cayayaanka Baraha Bulshada ( CBB ) waxaa laga dhaxalay oo ay dalkii dib ugu celiyeen xasaasiyadii Qabiil iyo cuduradii dhaliyey dagaalada sokeeye ee soo jiitamaayey mudad dhan 30 Sano.

Qabyaalad iyo Caadifad Qabiil oo aan la mahadin doonin Dalka iyo Dadka yaan loo horkicin.

Daawo Raisal Wasaare Abdiweli Yuulka oo leh Madaxweyne kursiga haysku dhejin ee ka kac