C/raxmaan Cabdishakuur Caawa oo Khudbad taariikhi ah jeediyey : – Waar Reer Muqdisho iyo Reer Puntlandow yaan Cadowo layskaga kiin dhigin. Mooshinkii Maqaamkii Banaadir Mursal iyo Muuday baa diiday oo hoos galiyey, lakiin 13 kursi waa FAKE Doorasho lagu doonayo

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo Caawa ka hadalaayey munaasibad lagu xusaayey Sannadguuradii 60aad madaxbanaanida Dalka ayaa Shacbiga Somaaliyeed siiba ku Reer Muqdisho iyo Reer Puntland uga digay in ay ka feejignaadan talaabooyinka guracan ee Xukuumada Farmaajo ku doonayso in ay Cadaawad Qabiil iyo is naceyb dhexdooda ka abuurto.

Mudane Cabdiraxmaan oo Khudbad Taariikhi caawa jeediyey oo ay ka muuqtay biseyl siyaasadeed ayaa si fiican u iftiimiyey dabinada iyo shirqoolada lagu abuurayo colaad iyo dagaalo sokeeye oo ay mar kale ku hoobtaan shacbiga Somaaliyeed.

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in Gobolka Banaadir uu u baahan yahay matalaad iyo Maqaam sharci taas oo uu sheegay in Mooshinkii arinkaas lagu dalbanaayey oo ay saxeexeen in ka badan boqol xildhibaan oo ka kooban Soomali oo dhan in mudo 3 Sano ay ay diideen oo miiska hoostiisa ku tureen Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal iyo ku xigeenkiisa Muuday, lakiin nasiib daro maanta markii wakhtigii Xukuumada iyo Goloyaashu dhamaadeen la rabo in 13 Kursi oo Waraabe u xoor ah lagu mashquuliyo Umadda Somaaliyeed.

Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si waafiya u dulmar duruufaha qalafasan ee dhinac siyaasadeed, dhaqaale iyo mid bulsho ee haatan Dalku ku sugan yahay, isagoo xogogaal-nimo ah uga waramaya maaweelada iyo dhalanteedka siyaasadeed ee Xukuumada Farmaajo ay iska horkeenayso shacbiga somaaliyeed.

Halkan ka daawo Khudbadii Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee Caawa.