Nuxurka Khudbadii Madaxweyne Deni ee 1 Luuliya

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni Wuxuu Gaalkacyo uga qayb galay Xafladii lagu xusayay Xuskii 60aad ee kasoo Wareegtay Gobonimadii Gobolada Koonfireed ee Soomaaliya iyo Israscii Goboladii Waqooyi iyo Koonfur 1960-kii.

Madaxweyne Deni wuxuu xusay in Awoowayaashii Soomaaliyeed ee soo hoyiyay Xoriyada ay haday maanta joogi lahaayeen ay ka xumaan lahaayeen kana murugoON lahaayeen Xaalada uu Dalku ku jiro maanta.

Madaxweyne Deni wuxuu aad ugu dheeraaday Amaanka Gobolka Mudug oo uu sheegey in guul laga gaaray, isagoo xusay in Puntland iyo Galmudug ay kawada shaqaynayaan Amaanka, wuxuuna xusay in aysan dhacayn in Amaanka Gobolka Mudug la siyaasadeeyo.

Madaxweynuhu wuxuu bogaadiyey Wadahadalada Nabada ee ka socda Galdogob ee u dhexeeya Beelo kasoo kala jeeda Labada dhinac oo Xurguf dhex martay.

Siyaasada Soomaaliya ee Hada taagan

Madaxweyne Deni wuxuu hoosta ka xariiqay in Xukuumada hada talada haysa ay ka shaqaynayso iska horkeenida Shacabka si Wakhtiga ay u dheeraystaan, taasna aan la aqbalayn.

Wuxuu baaq u diray Madaxda Dalka u sareysa oo uu ugu baaqay in Dalka lagusoo cesho wadadii saxda ahayd, isagoo dhanka kalena ku baaqay in ay ka waantoobaan u hanqal taagida wakhti kororsi.

Madaxweyne Deni wuxuu Cod dheer ku sheegay inuu ku shaqaynayo Go’aankii ay Dhowaan gaareen Baarlamaanka Puntland ee ku aadanaa Hindisihii ay Baarlamaanka Federaalku ku kordhiyeen Kuraasta Aqalka sare.

Madaxweynuhu wuxuu Gabagabadii uu Hambalyo u diray Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Puntlandi.com Gaalkacyo