Daawo Xildhibaan Afraale oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed : – Maqaam raadinta Muqdisho ma noqon karo wax naloogu hanjabo ama noolugu handado.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale oo ka tirsan Barlamaanka Federaalka Somaaliyeed kana soo jeeda Maamul Goboleedka Somaaliyeed ee Konfur Galbeed ayaa sheegay in Xaq u raadinta Gobolka Banaadir aan loo adeegsan karin boob iyo cago-jugleyn.

Mudane Xildhibaan Afaraale oo ka hadlaayey kulankii fawdada ahaa ee lagu jabiyey shuruucdii iyo Dastuurka Dalka ayaa ka digay in magaalada Muqdisho laga dhigo goob siyaasada Dalka afduub loogu haysto, isla markaana la joojiyo been abuurka iyo Probogaandada rakhiiska ah la leeyahay Canshuurta Xamar baa la cunaa.

Xildhibaan Afraale ayaa carabka ku adkeeyey in Xamar lagu cuno oo aanay dhaafin Balaayin Dollar oo Dalka Somaaliya oo dhan loogu deeqay

Halkan ka fiirso hadalka Xildhibaan Afaraale.