JOINT PRESS STATEMENT : – Beesha Caalamka ayaa qoraal ay soo saartay kaga soo horjeedsatay Go’aanda Barlamaanka Somaalida, kuna baaqday in heshiis laga gaaro arimaha doorashooyinka.

Beesha Caalamka ayaa qoraal ay kasoo saartay doorashooyinka Soomaaliya uga hortimid go’aanada baarlamanka Soomalaiya, waxayna soo jeedisay in go’aanada la xiriira doorashooyinka dalka ay noqdaan kuwa laga wada-tashado oo heshiis laga gaaro.

Qoraalka Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay inay marka hore ay soo dhoweynayaan, ugana mahad-celinayaan khudbaddii guddoomiyaha gudidga madaxa-banaan ee doorashooyinka Xaliimo Yarey a yu jeedisay Golaha Shacabka, halkaasi oo ay kusoo bandhigtay laba farsamo oo lagu qaban karo doorasho qof-iyo-cod ah.

Hase yeeshee Beesha Caalamka ayaa tiri “Waxaan adkeeneynaa baahida weli taagan ee loo qabo in Soomaalida ay wada-hadallo loo dhan yahay ka galaan, si loo helo heshiiska ugu ballaaran ee laga gaari karo mowduucan loo dhan yahay, waxaana hoosta ka xariiqeynaa muhiimadda wada-hadal buuxa oo dhameystiran oo ay yeeshaan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.