DAAWO : – Senator Juriile oo ugu baaqay Siyaasiyiinta ku sugan Muqdisho in ah ka hadalaan burburka lagu wado Dawladinmada iyo Shuruucada Dalka

Prof Cabdirisaaq Cusmaan Juriile oo ah Senator ka tirsan Aqalka sare ee Federaalka Somaaliyeed oo la hadalay warbaahinta ayaa ka digay in fawdada Sharci iyo Dastuur ee hadda socotaa ay horseedi doonto burbur hore oo ku yimaada rajadii laga qabay in dib laysugu soo celiyo Umaddaii Somaaliyeed ee ku kala irdhowday dagaaldii sokeeye.

Prof Juriile ayaa si buuxda u faahfaahiye Masiibada iyo Asmada Siyaasadeed ee Dalku ku sugan yahay, isagoo tusaalooyin cad cad u soo qaatay sida Damiir la’aanta ah ee loo jabiyey loona dhinac maray Dastuurkii, Shuruucidii iyo Heshiisaydii Siyaasadeed ee ay hore u wada gaareen Umadda Somaaliyeed.

Prof Jaruule oo fariin u diray Siyaasiyiinta ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka digay, uguna baaqay in laga hortago burbur danbe oo si deg deg ah ugu yimaada Dawladnimada gacan ku rimiska ah ee Somaaliyeed.

Halkan ka dhageyso Wareysiga Prof Juriile.