DAAWO : – Senator Faroole ka hadalay Fawdada Dastuuriga iyo Boobka socda.

Madaxweynihii hore ee Puntland haatana Mudane ka tirsan Aqalka sare Federaalka Somaaliyeed Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud ( Faroole ) ayaa ka hadalay si fiicana u bidhaamiyey Fawdada Dastuuriga ah ee Dalka ka socta.

Mudane Faroole ayaa wareysi uu bixiyey ku sheegay in mooshinadan wareegayaa Aqalka hoose ee Faderaalku ay gebi ahaaba yihiin fawdo iyo Dastuur jabin.

Mudane Faroole ay tilmaamay in ay tahay gef Dastuuri ah in iyadoo la dhisin, lagana heshiinin maqaamka Caasimada Muqdisho in loo boodo oo shacbiga lagu mashquuliyo kuraas la qeybinaayo.

Mudane Faroole ayaa iftiimiyey in Aqalka sare uu ka kooban yahay 54 Xildhibaan oo salka ku haya 18 Gobol ee Dalku ka kobnaa oo mid weliba leeyahay matelaad 3 xubnood ah taas oo tirada guud ka dhigeysa 18 Gobol × 3 = 54. Ma ma garan karo ayuu yiri sharciga loo tiigsanayo ama la waafajinaayo 13 Kursi oo dheeraad ah oo la siinaayo Gobol gaar ah ama Banaadir oo markii horeba lahaa matalaadiisa !!!!!.

Halkan ka daawo wareysiga Senator Faroole Qeybta kowaad

Halkan ka daawo qeybtii 2aad ee wareysiga