Breaking News : – Xildhibaandii Federaalka ee ka soo jeedayPuntland , Shaqaalihii Dawlada iyo Shacbkii oo ka soo baxsanya Xamar markii hanjbaado Qabiil iyo Waraaqo lagu daadiyey Xamar. Sanadka 2020 Reer Puntland Magan uma noqon donaan Mukulaal Madow.

Wararka ka soo baxaaya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xildhibaanadii Federaalka ee ka soo jeeda Puntland, sidoo kale shaqaalihii Dawlada iyo Shacbigii Reer Puntland ee ku sugnaa magaalada Muqdisho ay bilaabeen in ay ka soo qaxaan magaalada Xamar, kadib markii waraaqo hanjaabdo Qabiil iyo weerero loo geysanaayo lagu daadiye magaalada iyo Facebook.

Hanjabaadahaas ayaa soo baxay ka dib markii Xildhibaanado Federaalka ee ka soo jeeda Puntland ay sharci daro iyo xeer jabin Dastuuri ah ay ku tilmaameen go’aankii gacan ku rimiskaa ahaa ee Koox ka tirsan Aqalka hoose ee Barlamaanka Federaalku qaabka fawdada ah ku ansixiyeen mooshin Kuraas xoog ah oo dhan 13 lagu siinaayo Gobolka Banaadir.

Aqalka sare ee Federaalka ah ayaa ka kooban 54 xubnood oo hore loogu heshiiyey kuwaas oo metela 18 kii Gobol ee Dalku ka koobanaa ka hor burburkii Dawaldii dhexe.

18 Gobol ayaa sida ku cad xeer dhismeedka Aqalka Sare Gobol kastaa ay ku matalyaan 3 Xubnood, taas oo tirada guud ka dhigeysa 54 xubnood.

Halkan ka akhri qoraalada hanjabaada ah ee la daadiyey.

Ololaha Hanjabaada iyo Aflagaadooyinka ka socda magaalada Muqdisho iyo baraha Social Media ee loo geysanaayo Shacbiga Puntland ayaa dhaxal keedu noqon donaa in ay meesha ka baxado Dawladnimadii Boobooca aheyd ee lagu naasnuujinaayey Beelaha qaarkood.

Sannadka 2020 Shacbiga Iyo Dawlada Puntland magan uma noqon donaan Mukulaal madow.