Breaking News— Puntland oo qoraal kasoo saaraysa Go’aankii Gudiga Doorashada

Warar hordhac ah oo hada soo gaaray Puntlandi.com ayaa sheegaya in Puntland ay jawaab Adag ka bixinayaan Khudbadii Ay Gudoomiyaha Gudiga Doorashadu ka jeedisay Baarlamaanka ee ay uga hadashashay Go’aamadii Doorashada ee laga sugayay.

Macada Jawaabta ay Puntland ka bixin doonto Hadalka kasoo yeeraya Gudiga Doorashada balse warar aan helnay waxay sheegayaan in Puntland ay aad uga niyad jabtay Qaabka aycwax u socdaan iyo hadalka kasoo yeeray Gidiga Doorashada .

Warar kale oo aan helnay waxay sheegayaan in Wadatashi uu u socdo labada Gole ee Puntland kuwasoo ka arinsanayaa is afgaradkii u gogol xaarayay kulanka Madaxda Dowlada iyo kuwa Maamul Goboleedyada ee ay Madaxda Maamul Goboleedyadu iyo Madaxda Dowlada Dhexe ay ku wada gaareen todobaadkii hore Khadka Video-ga.

Wadahadalkii khadka Telefoon-Video-ga onlineka ahaa ku dhex maray Madaxda Dowlada Federaalka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada, wuxuu Madaxweyne Farmaajo dhigay Gogol horaantii bisha Luuliya balse Gogoshaas sharuud ayay ku xireen Madaxda Maamul Goboleedyadu,Sharuudasoo ahayd in Madaxweyne Farmaajo uu joojiyo dhamaan Qodobada ku saabsan Doorashada ee horyaal Baarlamaanka oobay ka mid ahaayeen Xeerkii Doorashada iyo Khudbadii Gudoomiyaha Gudiga Doorashadu ka jeedinaysay Baarlamaanka.

Hadaba Sharuudaas ma uusan fulin Madaxweynuhu, oo Hanaankii si habsami leh ayuu uga socdaa Baarlamaanka, Gudoomiye XaliimobYaraybiyana lama baajin oo Way khudbaysay.

Go’aan ayay Puntland kasoo saaraysaa Gogoshaas uu Madaxweynuhu dhigay.

Puntlandi.com Garowe


Puntlandi.com Garowe