Md. Hore Xasan Sheikh oo kasoo horjeestay hadalkii Gudoomiyaha Gudiga Doorashada

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud Oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa kasoo hor jeestay hadal soo jeedintii Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Xaliima Yarey ay ka hor jeedisay Golaha Shacabka Shalay oo sabti ahayd.

Xasan Sheikh wuxuu Gudoomiyaha ku eedeeyay in Qorshaha ay ka hor sheegtay Baarlamaanka uu ahaa Mudo korirsigii Xukuumadu waday.

Gudiga Doorashadu waxa ay wadaan ma ahan wax ka turjumaya shaqadooda, ayuu yiri Xasan Sheikh.

wuxuu Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inuu hanqal tagayo Mudo kororsi, iyo in Xukunka la isaga fadhiya, tasoo uu ka digay.

Puntlandi.com Muqdisho