Puntland iyo Galmudug oo ku heshiiyey in ay Mowqif mideysan ka qaataan Hanaanka Doorasho ee Soomaaliya

Kulankii Gaalkacyo uga socdey Gaalkacyo oo Maalintiisii labaad galay maanta ayaa lagu heshiiyey qodob muhiim u ah labada dhinac.

labada dhinac waxay ku heshiiyeen in ay Mowqif ay ka mideysan yihiin ay ka qaataan Doorashada Soomaaliya ee dabayaaqada Sanadkaan lagu wado iney dhacdo.

Heshiiskaan wuxuu ku soo aadayaa xili ay Gudiga Doorashada ee Federaalku ay soo jeediyeen in dib loo dhigo Doorashadu.

Macada qaabka ay uga midoobayasn Qodobkaan Puntland iyo Galmudug, waxaase xusid Mudan in Dowlada Puntland ay horay ugasoo hor jeedey Qaabka ay wax u wado Xukuumada Federaalka halka Galmudug ay gacan saar la leeyihiin Villa Soomaaliya.

sharaxaad dheeraada lagama bixin Heshiiskaan ku saabsan Doorashada.

Puntlandi.com

Gaalkacyo