Breaking News : – Dowlada Federaalka oo ku fashilantay Doorasho gaarsiinta Dalka, Puntland oo ku dhawaaqo doonta Shir wada tashi oo deg deg ah

Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Kheyre waxay laba todobaad ka hor ay Cod dheer ku sheegeen in Doorashadu ay wakhtigeeda ku dhici doonto Laakiin Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Xaliima Yaray Waxay maanta Cadeysay in aysan Dalka Doorasho ka dhici karin Doorasho dabayaaqada sanadkaan.

Hadalkii Xaliima Yarey wuxuu noqday lama filaan sababtoo ah waxaa laga sugayay Qorsho ku salaysan Hadaladii Madaxda Villa Soomaaliya.

Xisbiyada Siyaasada ayaa Durba kawaab ka bixiyey, Xisbiga Wadajir ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur hogaamiyo wuxuu Yiri ”Xaliima Yaray waa inay iscasishaa, Xukuumadu Way ku fashilantay Inay Dalka Doorasho gaarsiiso”.

Wararka aan ka helayno Garowe waxay sheegayaan in ay durba bilowdeen guux Siyaasadeed oo loogu gogol xaarayo Shir deg deg ah.

Puntlandi.com Muqdisho