Dagaal Beeleed uu Wasiir hore ku dhintay oo Galgaduud ka socda

Illaahay ha u naxariistee Wasiirkii hore Wasarada Shaqada Galmudug Daahir Shidane Cabdi Ayaa ku dhintay Dagaal Beeleed ka socda Gobolka Galgaduud.

Dagaalka oo shalay gabal gabal gaabkii bilowday ayaa ilaa hada socda, Wararku waxay sheegayaan in khasaare badan uu jiro, ugu yaraan 12 Qof oo labada dhinac ah ayaa la xaqiijiyey geeridooda.

Daahir Shidane Cabdi Oo horay Wasiir uga ahaan joray Galmudug ayaa kamida Dadka ku dhintay Dagaalka, Wuxuuna saaka u geeriyoodey dhawac shalay kasoo gaaray Dagaalka,Faahfaahin lagama bixin qaabka uu Wasiirku u dhintay, inuu Dagaalka qayb ka ahaa iyo in kale.

Magaalada Cadaado waxaa Saaka oo sabti ah la keenay ugu yaraan 8 dhawac ah, Sidoo kale Dhuusamareeb ayaa iyana tiro dhawac ah la geeyey.

Dagaal Beeleedkaan wuxuu ka socdaa Agagaarka Xananbuure oo u dhexeeya Cadaado iyo Dhuusamareeb .

Madaxweynaha Galmudug Axmed Kaarshe Qoorqoor iyo Wasiirkiisa Amniga Axmed Macalin Fiqi booqasho ku jooga Puntland wali kama aysan hadal Dagaalka.


Puntlandi.com Gaalkacyo