RW Kheyre oo Doha u duulay, iskuna dayaya inuu soo celiyo Xiriirkii hakadka galay

Xukuumada Federaalka Soomaaliya ee hada talada haysata waxay mudo Sadex sano ah ay saaxiib ahaayeen Dowlada Qatar, Villa Soomaaliya waxay Dagaalkii Khaliijka la safteen Qatar iyagoo Dhabarka u jeediyey Dowlada Emaaraatka oo Soomaaliya la ahayd saaxiibka ugu dhow Caalamka mudo boqolaal sano ah, Laakiin Afar bilood ka hor ayaa Qatarx waxay dhabarka u jeedisay Villa Soomaaliya,Sababtana ilaa hada lama hayo.

Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa maanta waxay u duuleen Dalka Qatar, Inkasoo aysan Xafiiska Raysal wasaaraha aysan shaacin sababta Safarka Raysal wasaaraha hadana Wararka la helayovwaxay sheegayaan inuu safarka ku saabsan yahay siday Villa Soomaaliya ay kasban lahayd soo celinta Xiriirkii labada Dhinac.

“Waxaa soo dhow Doorasho, Qatar lagama maarmo hadaad Lacag u baahan tahay oo aad doonayso inaad Doorashada ka qayb gasho, u malayn Mayo Dano Shacab inay jiraan, laakiin Raysalvwasaaruhu sidaas ayuu Doha uguvduulay” waxaa sidaas yiri Dublamaasi Soomaaliyeed oo ku xeel dheer Arimaha Carabta.

Puntlandi.con Muqdisho