Daawo Sawiro, Shir looga hadlayo Iskaashiga Puntland iyo Galmudug oo Gaalkacyo ka furmay, Qodobada laga wada hadlayo..

Magaalada Gaalkacyo waxaa ka furmay Shir u dhexeeya Puntland oo ay wada hogaaminayaan Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Deni Iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor.

Gogosha Shirka oo uu dhigay Madaxweyne Deni ayaa waxay ka socotaa Xafiiska Madaxweynaha Puntland ee Magaalada Gaalkacyo.

Qodobka ugu muhiimsan ee Wadahadalka ayaa wuxuu yahay Amaanka Xuduuda labada Maamul iyo sidii Puntland uga qayb qaadan lahayd In Al-Shabaab laga sifeeyo Puntland.

Waa Markii u horaysay oo Madasuuliyiin ka socda Galmudug ay Puntland si toosa uga codsadeen in laga caawiyo la dagaalanka Argagixisada oo intabadan Deegaanada Galmudug saameynnku leh.

Magaalada Gaalkacyo waxay ka kooban tahay Shan Xaafadood,Xaafada Baraxley oo kamida shantaan Xaafadood waa meeshii lagu aasaasay Galmudug, w ayayna hoos tagtay Galmudig, Sanadihii u dambeeyay waxaa ku dhuumaalaysan jiray Argagixisada balse Xukuumada Madaxweyne Qoor Qoor oo kaa shanaya Puntland ayaa bilaabay in Howlgal wada jir ah oo ka dhan ah Argagixisada laga fuliyo Xaafada, ugu yaraan 30 Qof ayaa lasoo qabqabtay.

Wadahadalka maanta ka furmay Gaalkacyo ayaa yimid kadib guusha laga gaaray Howlgalkaas, Waxayna Masuuliyiinta labada dhinac is tiseen in Wada Shaqaynta iyo Iskaashiga labada dhinac uu yahay Furaha kaliya ee looga adkaan Karo Cadowga Ayna horseedi karto nabad iyo horumar ay helaan Bulshada labada dhinac.

Waxaa sidoo kale laga wadahadlayaa Ganacsiga Xorta ah oo dhex Mari doona labada dhinac.

Wafuuda labada dhinac waxaa kamid ah Labada Gole ee labada Maamul, Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Galan, Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Maxamed Dhabancad iyo Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

Qodobkabundambeeya ee laga wada hadli doona waa Doorashada Soomaaliya oo ay labada dhinacba doonayaan inay ka qaataan Mowqif mideysan.

puntlandi.com

Gaalkacyo