Ciidamadii Tababarka loosoo xiray oo howlgal ka dhan ah Argagixisada u ruqaansadey

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu maanta soo macasaaleemay Guulna uu u rajayey Ciidamada Bada iyo Ciudanka sida Gaarka ah u Tababarab ee Ladagaalanka Argagixisada , kuwasoo U dhaqaaqay howlgal ka dhan ah Argagixisada.

Ciidamada Bada Puntland Waxaa loo tababaray iney ka howlgalaan Bada iyo Berigaba, waana Ciidanka ugu badan ee la dagaalama Argagixisada, Waxay u tababarab yihiin Xitaa howlgalada Gudaha Magaalooyinka.

Ciidamada Ladagaalanka Argagixisada waxay haystaan tababar khaasa, qaarkood waxaa loo tababaray iney masaafo dheer wax ka Shiikhaal kana toogtaa (Sniper), Qaarkoodna waxay heystaan tababar Ciidanka dhulka iyo Booliska. Iyo waliba Baarista Dambiyada iyo Sida Dambiilaha loo Waraysto.

Ciidamada maanta loosoo xiray tababarka lama shaacin Meelaha ay ka bilaabayaan Howlgalka ka dhanka ah Argagixisada, Taliyaha hogaaminaya Ciidanka wuxuu balan qaadey in Shaqadoodu ay noqoto ka sifaynta Argagixisada Gudaha Puntland mudo gaaban gudeheed.

Madaxweyne Deni wuxuu si Xushmad leh ugu Mahad celiyey Walaaleheen Dowlada iyo Shacbiga Emaraatka oo had iyo jeer Garab taagan Umada Soomaaliyeed, kuwasoo suura galiyey kana qaybqata Amaanka Puntland .

Sawirada Hoos ka daawo

Madaxweyne Deni oo macasalaamaynaya Ciidanka