TACSI : – Madaxweynaha Puntland Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Marxuum Nuur Cumar Maxamed

Garoowe, June 16, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, magaca shacabka iyo kan Dowladda Puntland-ba, waxa uu ka tacsiyaynayaa Geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Nuur Cumar Maxamed oo ku geeriyoodey dalka Maraykanka.

Madaxweynaha Puntland wuxuu Tacsi gaar ahaaneed u dirayaa Xildhibaan Ilhaan Nuur Cumar Maxamed ( Ilhan Omar ) oo ka mid ah Congress-ka Mareykanka oo uu ahaa Aabbeheed iyo dhammaan Caruurtiisa, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku, wuxuuna Rabbi uga baryey marxuumka inuu ka waraabiyo Janadiisa Fardawsa, dembigiisana dhaafo, samir iyo iimaanna ka siiyo Xildhibaan Ilhaan Cumar, qoyskiisii, ehelkiisii, asxaabtiisii iyo ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Shacbiga Puntland