Daawo : – Alleylehe Gari Ilaahay bay taqaane Gashaanle Muse Biixi ka Dood iyo Garnaqsi fiican Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Gashaanle Muse Biixi Cabdi ay maanta shirkii wadatashiga ee Jabuuti ku soo bandhigay Khudbad aad u diyaarsaneyd oo qaadatay 17 minute iyo 35 second, taas oo uu si xayi ah ugu muujiyey Dooda iyo Garnaqsiga siyaasadeed ee maamulkiisu uu saldhiga uga dhigaayo Mashruuca goosashada ee ay soo wadeen mudada ku dhow 30 sano.

Hadal-jeedintii Gashaanle Muse Biixi

Taas badalkeeda Madaxweynaha Dawlada Federaalka ah ee Somaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la soo shir tagey Khudbad aan haba yaraatee laheyn wax nuxur siyaasadeed ah, taas oo qaadatay 3 Minute iyo 49 second oo ka koobneyd mahadnaq iyo Weedha My Brother oo uu isticmaalay 7 jeer.

Hadal-jeedintii M/weyne Farmaajo

Aqoonyahan Faisal Roble oo is barbar dhig ku sameeyey labda Hadal-jeedin ee labda masuul ayaa qiimeyntiisa la wadaagay Bulshada.

isku soo wada duuboo Dad badan oo Somaaliyeed oo rajo weyn ka qabay in miisaanka cuslaa ee wafdiga Dawlada Federaalka Somaaliyeed ee shirka u ambaxay ayaa niyad jaban weyni ku dhacay kadib markii Telefishinada laga dheehday muqaaladii iyo qaabkii uu shirku dhacay.