Warbixin : – Niyada jab ku dhacay Dawladihii shirka soo qabanqaabiyey iyo War-murtiyeedkii oo la diyaarinaayo

Wararka soo gaaraya Shabakada Puntlandi ee ku saabsan wada- hadalada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ee maanta laysugu yimid magaalada Jabuuti ee Dalka Jamhuuriyada Jabuuti ayaa tibaaxaya in shirka uu ku yimid dibu dhac iyo is marii sababay in shir dambe oo mutaqbalka ah lagu balamo.

Caqabada ugu weyn ee shirka fashilka u keentay ayaa loo sababeeyey diidmo aad u adag oo Hogaamiyaha Maamulka Somaliland Gaashaanle Muse Biixi uu ka muujiyey Ajandayaashii shirka oo ay asaas u aheyd midnimo danbe oo uu la yeesho Dhul weynaha Somaliya.

Gaashanle Muse Biixi ayaa hadal uu munaasabada ka jeediyey ku sheegay sida Somaliland xaq ugu leedahay in ay ka noqto midowgii ay la midowday Somalia sannadkii 1960, isagoo tusaale u soo qaatay Dalal dhowr ah oo ku yaal Africa iyo Europa, kuwaas oo ka go’ay Dalalkii ay markii hore uga midka ahaayeen.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somaaliyeed Mudane Farmaajo oo goobtaas Khudbad ka jeediyey ayaa sheegay in muhiimada shirku ay tahay sidii hore loogu sii wadi lahaa dibu-heshiisiinta iyo midnimada Umadda Somaaliyeed.

Marwo Adna iyo Safiirka Mareykanka oo isku maandhafay shirkii maanta

Isku soo duubo waxaa xogaha ka soo baxaya goobjoogayaasha Diblomaasiyeed ee shirku isku raaceen in qabanqaabiyaashii shirka oo ka koobnaa Madaxweynaha Jabuuti, Raisal Wasaaraha Ethiopia iyo Safiirka Mareykanka u fadhiya Somaaliya ee Yamamato ay aad uga niyad jabeen, ugana xumaadeen habdhaqankii uu muujiyey Hogaamiyaha maamulka Somaliland Mudane Gashaanle Muse Biixi, kaas oo diiday inuu tanaasulaad ka muujiyo isku dayo Diblumaasiyeed oo ka dambeeyey qabashada shirka, kuwaas oo loogu gol lahaa in lagu badbaadiyo Mutqabalka Siyaasadeed ee Madaxweynaha Somaaliyo Mudane Farmaajo oo Mawjado Isbadal-doon ahi ku furan yihiin.

Waxaa hadda gacanta lagu hayaa isku duba ridkii war murtiyeed shirka kaas oo lagu dabooli doono fashilka shirka, kaas oo loogu mahadnaqi doono Dawalda Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelleh oo shirka marti kaliyey, isla markaan lagu tilmaami doono horumarka laga sameeyey shirka iyo unkida gudiyo farsamo oo hore u sii wadahadalada labda dhinaca dhexmari doona Mustaqbalka.

Puntlandi Jabuuti.