Ciidamada DF oo Sadex iska dilay kadib Dhul ay isku qabsadeen

Ciidamo ka wada tirsan Dowlada Federaalka ayaa ku dagaalamay Duleedka Magaalada Muqdusho, Waxayna iska dileen Sadex Askari.

Dagaalka oo ka dhacay Degmada Dayniile ayaa wuxuu dhexmaray labo Ciidan oo ka wada tirsan Ciidanka Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Dagaalku wuxuu ka bilowdey Dhul banaan oo la isku qabsadey, Masuuliyiinta Degmada Dayniile mid ka mida ayaa Ciidan soo kaxaystay halka laba Nin oo kale ay iyana Ciidan kale soo kaxaysteen, Qola walbaa waxay sheeganayon lahaanshaha Dhulkaas, Sidaas ayaa Rasaas la isku huwiyay.

Sadex Askari ayaa dhintay halka shan kale ay dhawac yihiin.

Dowlada Federaalku kama aysan hadal falkaan.

Puntlandi.com Muqdisho