Daawo Jubbaland oo dalbatay in si deg deg ah Dalka looga eryo Francisco Madeira Wakiilka AU u jooga Soomaaliya

Madaxweyne Xigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Dayid Aaden oo uu weheliya Xildhibaan Cabdirshiid Xidig ayaa shir Jaraa’id oo ay wada qabteen waxay eedeeyeen Wakiilka Midowga Afrika u jooga Soomaaliya Francisco Madeira.

Masuuliyaantaan waxay sheegeen in Ninkaan uu xadgudub ku sameeyey Soomaaliya, Waxayna ku tilmaameen hadalkii uu ka jeediyey Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay mid xadgudub ah.

Midowga Afrika in loo adeegsado Siyaasada Soomaaliya waa markii u horeeyey oo aan la aqbali Karin.

Hoos ka daawo hadalka Madeira hadalkuu ka jeediyey Golaha Amaanka iyo Shirka Jaraa’id ee Jubbaland ku Cambaaraysay Safiirka AU ee Soomaaliya fadhiya.