Diyaarad Gargaar sida oo lagu rasaaseeyey Gobolka Bay

Tuulada Qansaxdheere ee Gobolka Bay ayaa lagu rasaaseeyey Diyaarad sahay gargaar sida xili ay degayso.

Wararka laga helayo Gobolka Bay waxay sheegayaan in Doyaarada ay ku dheceen laba xabadood laakiin uusan soogaarin dhawac weyn .

Cidna wax kuma gaarin falkaan ilaa hada cida Xabadihii soo ridey Lama oga, Diyaarada oo kasoo kacdey Muqdisho, waxay hada ku laabatay Muqdisho.

Falkaan wuxuu kusoo aadayaa xili bilowgii bishaan ay Ciidamada Itoobiya ay ku soo rideen Diyaarad noocaan ah, Shan Qof oo saaraa Diyaaradaan ayaa ku dhintay.

Puntlandi.com Kismaayo