Gudoomiyayaasha Gudiyada Baarlamaanka iyo labada Goomiye ee Aqalka sare iyo Kan hoose oo shir uga socdo Villa Hargeysa

Hoyga Gudoomiye Maxamed Mursal waxaa ka socda shir u dhexeeya Gudoomiyaha Baarlamaanka, Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Gudoomiyaasha Gudiyada joogtada ah ee labada Aqal.

Kulankaan oo ah mid deg deg ah ayaa Ajandihiisu yahay Wakhtiga la iclaaminayo in Labada Gole ay dhagaystaan Warbixinta ay soo Diyaariyeen Gudigii Baarlamaaniga ahaa ee loo diray Qorshaha Doorashada 20/21.

Warbixintaan oo aad xasaasi u ah ayaa aad loo sugayaa Laakiin Lama oga sababta kulankaan loo qabtay waayo , Caadiyan hadii Gudi shaqo loo diray iyagaa Gudoomiyaha ka codsan jiray inuu wakhti u qabto Hoolka Baarlamaanka isla markaasna waxaa fariino loo diri jiray Xubnaha Baarlamaanka.

Warar waxaa jira sheegaya in Gudiga loo diray soo dejinta Qorshaha Doorashada ay doonayaan iney Warbixintooda soo gudbiyaan intaan Gudiga Doorashada Qaran aysan hor imaan Baarlamaanka, Gudigaan iyana waxay soo wadaan Worshe kale oo lagu xamanayo in Madaxweyne Farmaajo uu gadaal ka riixayo.

Hoos ka daawo kulanka hada kasocda Villa Hargeysa Muqdisho