Jaaliyada Puntland ee Denmark, UK iyo Finland oo ka tacsiyeynaya Geerida Wasiir Gama’diid

Sadex fariimood oo nagasoo kala gaaray Masuuliyiinta Jaaliyadaha Puntland ee UK, Denmark iyo Finland ayaa ka tacsiyeeyey Geeridii maanta ku timid Wasiirkii Beeraha iyo Cimilada ee Puntland Marxuum Ismaaciil Diiriye ‘Gama’Diid’.

Masuuliyiinta Jaaliyadaha ayaa iyagoo ku hadlaya Magaca Qurba joogta Dalalkasn waxay tacsi tiiraanyo xambaarsan ay u dirayaan Caruurtii iyo Ehelkii uu ka geeriyooday Marxuumku, waxay iyana u tacsiyeynayaan Guud ahaan Shacabka Puntland Geerida ku timid Wasiirka.

Wasiir Ismaciil Wuxuu maalmahaan la xanuunsanaa Xanuunka Corona Vurus oo uu aakhirkii ugu geeriyoodey Isbitaal ku yaal Muqdisho.

Ilaahay ha u naxariisto Marxuumka, Aaamiin, Aaamiin, Aaamiin, Aaamiin, Aaamiin, Aaamiin