Madaxweyne Xigeenka Puntland Axmed Karaash oo ka tacsiyeeyey Geeridii Wasiir Ismaaciil Diiriye (Gama’diid)

Madaxweyne Xigeenka Puntland Axmed Cusmaan Karaash ayaa ka tacsiyeeyey Geeridii ku timid Wasiirkii Beeraha, Deegaanka iyo Cimilada Puntland Marxuum Ismaaciil Diiriye (Gama’diid).

Fariinta Tacsida Madaxweyne Xigeenka aya u qoran sidaan.

“Ani ku hadlaya Magaca Shacabka Puntland iyo Magacayga Waxaan tacsi u dirayaa Guud ahaan Shacabka Puntland khaasatan Eheladii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Qaraabdii uu ka baxay Wasiirkii Cimilada iyo Deegaanka Marxuum Ismaaciil Diiriye (Gamadiid) oo maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho,

Waxaan Marxuumka Illaahay uga baryaynaa Jano waarta, Dambi dhaaf iyo In uu Illaahay Samir ka siiyo Shacabka iyo Ehelkiisiiba”.

Marxuumka waxaa lagu aasi doonaa Magaalada Garowe oo Dhowaan Meydkiisa loo soo qaadi doono,

Puntlandi.com

Garowe