Hanaanka Doorashada ee Baarlamaanku soo wado wuxuu noqonayaa Qarax Siyaasadeed oo Villa Soomaaliya gilgila

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalku waxay sugayaan jawaabta Gudigii Baarlamaaniga ahaa ee loo diray iney rogrogaan ayna Baarlamaanka usoo gudbiyaan Qaabka iyo Nooca Doorasho ee Dalka ka dhacaysa dabayaaqada Sanadkaan.

Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo wuxuu isna qorsheynayaa in Maalmaha soo socda uu Baarlamaanka horgeeyo Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Xaliima Yarey oo jeebka ku wadata Hanaan cusub oo loo marayo Doorashada, wuxuu noqon doono cidna ma oga laakiin warar hordhac ah waxay tilmaamayaan in Qorshaha ay Xaliima Yarey Wado iyo Qorsha Baarlamaanku sugayo ay Kaaf iyo kala dheeri yihiin.

Xan Rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen waxay Sheegaysaa in Qarax Siyaasadeed uu iman doono Maalmaha soo socda, dabcan Marka Gudiga Baarlamaanku ay soo gudbiyaan Hanaanka Doorashada.

Qaraxaas Siyaasadeed wuxuu ku habsan doonaa Villa Soomaaliya, Waxaa soo bixi doona in Raysal Wasaare Kheyre uu hoos kala Socdey Baarlamaanka, Halka Madaxweyne Farmaajo uu gadaal ka taagan yahay Qorshaha Doorashada ee Gudoomiye Xaliima Yaray , Wararkaan qaybo kamida suuqa ayay horay u yaaleen laakiin Qaraxaan Siyaasadeed ee aad dhowaan arki doontaan wuxuu banaanka soo dhigayaa Villa Soomaaliya oo laba garab ukala jabay.

Isbadalkaan Siyaasadeed waxaa soo dadajiyey Qorshihii fashilmay ee Madaxweyne Farmaajo uu ku doonayay inuu badalo Raysal wasaaraha.

Qorshahaan waxaa fashiliyay Raysal Raysal wasaare Kheyre iyo Team-kiisa, Waxayna gacansaar hoose lasameeyeen Baarlamaanka oo ay uga awood roonaadeen Madaxweyne Farmaajo, waxaana hada la cadeeyey in Madaxweyne Farmaajo uu ka laabtay Qorshuhuu ku doonayay inuu badalo Raysal wasaaraha isagoo u arkay in kursigiisa iyo mudada yar ee harsan ay khatar galayaan.

Muxuu ahaa Qorshaha uu Madaxweynuhu ku badalayay Raysal wasaare Kheyre

Madaxweyne Farmaajo ayaa Lataliyayaashiisa kula taliyeen in uu Xukuumada Ku eedeeyo iney Masuul ka yihiin in Xiligaan uusan jirin Qorshe lagu mideysan yahay oo Doorashada lagu galo, Sidaas awgeed uu Baarlamaanka ka dhaadhiciyey inuu Raysal wasaare Cusub soo magacaabo, Xukuumada cusubna ay mudo Sanad iyo bar ah ay ku keenaan Hanaan Doorasho oo loo mideysan yahay. Sidaas ayuu ahaa Qorshihii fashilmay ee Madaxweynaha.

Saamilayda Siyaasada oo ay kamid yihiin Deni, Axmed Madoobe, Cabdiraxmaan CabdiShakuur, Xasan Sheikh iyo Sheikh Shariif waxay iyana culeys saareen Beesha Caalamka Taasina waxay dhabar jab ku noqotay Qorshihii Madaxweyne Farmaajo uu ku doonayay inuu Xukuumad cusub soo dhiso, waxay kaloo gacan siisay in Raysal wasaare Kheyre uu fashiliyo Soo jeedintii Lataliyayaasha Madaxweyne Farmaajo.

Puntlandi.com Muqdisho